Wasiir Janan: “Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne FARMAAJO inuu is-casilo“

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur  Janan oo boqolaal askari kula hadlaayay duleedka degmada Beledxaawo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha NISA in ay faragalinta ka daayaan gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geyntay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya laakiin u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu caburiyo shacabka Gedo.

Wasiir Janan ayaa sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha ciidankaas ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in meeshii uu degaan ahaan uu kasoo jeeday uu ciidamo ku qabsanaayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha in uu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.

“Farmaajo ilma adeer baan nahay waxaan kula talinayaa in uu is casilo oo dalka dhaafo qaatana talada musharixiinta in dalka laga qabtana kaalin ayaan ka qaadanayaa aniga iyo ciidankeyga,” ayuu yiri wasiir Janan.

Hadalka wasiir Janan ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ay dhawaan geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.