DF oo laba arrin hor-dhigtay Korneel Saneey Cabdulle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay laba qodob hordhigtay Korneel Saneey Cabdulle oo maleeshiyaad badan ku heesta duleedka Waqooyi ee Muqdisho.

Qodobada la hordhigay Korneel Saneey Cabdulle ayaa kala ah.

1- Inuu soo qabto saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo kasoo horjeeda dowladda federaalka, kuwaas oo lagu eedeeyay dagaal ka dhacay degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ee Muqdisho.

2- Haddii uusan soo qaban karin inuu soo xarooda isaga iyo ciidankiisa, islamarkaana uu wada-hadal la galo dowladda Soomaaliya, oo isaga qudhiisa ay is-hayaan kadib markii ay kala tageen muddo fog kahor.

Xubno muhiim ah oo ka tirsan taliska Milateriga Soomaaliya, iyo kuwa ku dhow Korneel Saney, ayaa Caasimada Online u sheegay in Korneel Saneey uu diiday dhamaan qodobadadii la hordhigay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ballan qaad lacageed iyo mid darajo xilba u ballan qaaday Korneel Saneey, hase yeeshee uu dhamaanba ka diiday.

Saraakiisha ay dowladda Soomaaliya dooneyso Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Maxamed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre, oo dhammaantood isku beel ah kana soo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal, gaar ahaan Mataan Cabdulle, Maxamed Muuse, iyo Daa’uud.

Korneel Saney ayaa isna kasoo jeeda beesha Harti-Abgaal.

Saneey Cabdulle oo ah Korneel ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sanado ka hor dagay duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxa uuna halkaas ku heestaa ciidamo badan iyadoo ay magan u yihiin dad badan oo dowladda ka soo cararay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kusii kordhaya saraakiisha militari ee ka goosnaya, xilli dalka uu sii galayo marxalad kala guur, ayna ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashada.