Midowga Musharaxiinta oo si weyn usoo dhoweeyey tallaabo uu qaaday Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Deni iyo Qoor Qoor oo Khamiistii ku kulmay Gaalkacyo ayaa qoraal ay soo saareen waxa uu qodob ka mid ah u dhignaa “Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021. Sidaa darteed ayadoo la dhawrayo heshiiskii lagu gaaray 17kii September 2020 Magaalada Mogadishu, Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.”

Musharixinta ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay dadaal ay sheegeen in Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu hoggaanka labada dawlad goboleed ku ammaanayaa xilka ay sida gaarka ah iskaga saareen xal u raadinta ismari waaga ku xeeran hirgelinta doorashooyinka dalka. Wuxuuna Goluhu si gaar ah u bogaadinayaa Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka dhabeeyey fulinta is-afgaradkii bilowga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Golaha,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

“Goluhu Musharixiinta wuxuu madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay kaalin wanaagsan ka qaataan xal u helista khilaafka maamulka doorashooyinka heer federaal ee 2020/21, isagoo uga digay isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, iyo qabashada doorasho aysan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadeed ee dalka.”

Qoor Qoor ayaa la rumeysnaa inuu ka mid ahaa madaxweyne goboleedyada sida gaarka ah ugu dhow Villa Somalia.