CC Shakuur oo shaaciyey qorshe uu FARMAAJO la damacsan-yahay madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa madaxweyne Farmaajo u jeediyay eedeymo culus oo la xiriir doorashooyinka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo in uu madaxda dowlad goboleedyada u adeegsado boobka doorashada, taasi oo uu sheegay inuu ku tashanayo si uu markale ugu soo laabto xilka ugu sareeya dalka.

“Farmaajo wuxuu ku tashanaya Dowlad goboleedyada qaar oo doonayo inay doorashada u boobaan iyo in anaga oo tagaan in la boobo doorashada walaalaheena Somaliland, hadii uusan Puntland & Jubbaland heysan doorashada hanoo daayo anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameeynee.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay inay shacabka Soomaaliyeed sameeyaan banaan-baxyo ay uga soo horjeedan hanaanka doorashada, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la iska saaro Farmaajo, oo uu sheegay inuu diidan yahay doorasho wada ogol ah.

Madaxweynaha dalka ayaa saaxiib dhow la ah qaar kamid ah madaxda maamulada dalka, kuwaasi oo mucaaridku ay ka qabaan dareen ah inuu u adeegsado qorshaha ay ku sheegen “boobka doorashada”, xili ay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashadu ay soo saareen jadwalka aqalka sarre iyo golaha shacabka.

Guddiga lagu muransan-yahay ayaa shalay shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg 29-ka isla bishan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isagu qeyb ka ah musharaxiinta walaaca xoogan ka qaba inay dhacdo doorasho hal dhinac ah, taasi oo loo adeegsanayo madaxda maamulada dalka qaarkood iyo beelaha siyaasiyiinta mucaaridku ee ku jira xukuumadda.