Odowaa oo madaxweyne FARMAAJO usoo jeediyey in uu qaado tallaabadan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo ahna mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid tallaabo uu shalay qaaday madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu dib ugu dhigay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku ansixiyey arrinkaas, taasi oo uu sabab uga dhigay inay tahay maadaama la galay xilligii doorashada, isla markaana ay sii dhamaaneyso muddada xil-haynta barlamaanka 10-aad, ayna bilaabanayso muddo xileedka Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan awood u laheyn wax ka badel dastuur, maadama uu xusay in awooda sharci dajinta iyo wax ka bedelka dastuurku uu leeyahay baarlamaanka.

Waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid uu madaxweyne Farmaajo ku caadeystay jabinta iyo ku tumashada dastuurka, oo uu sheegay in uu bilaabay ku tumashada dastuurka tan iyo markii uu xilka la wareegay, sida uu hadalka u dhigay.

“Awoodda sharci dajinta iyo in wax laga badalo dastuurka waxaa leh Baarlamaanka. Talaabada Madaxweynaha waxay qayb ka tahay kutumashada Dastuurka oo caaado iyo tilmaan lagu yaqaan u ahayd Farmaajo oo muddo xileeddkiisa gaba-gabo yahay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii ay Madaxweynaha ka go’an tahay in laga badbaado firaaq dastuuri ah waxaa qasab ah in uu ka shaqeeyo in Baarlamaanku kulan deg-deg ah yeesho dabeetana, Wadanka laga samata bixiyo firaaq dastuuri ah. Sida uu sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 9-aad iyada oo aan lagu tuman dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xiligii madaxdu sida ay doonaan u dhaqmayeen oo aan lala xisaabtamayn, isagoona uga digay madaxweynaha arrinkaas oo uu sheegay in loo baahan yahay in loo maro wadadii saxda aheyd, maadam uu dalku leeyahay Dastuur.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax-ka-bedel ku sameeyay Dastuurka dalka, iyada oo xeerkan uu saxiixay madaxweynaha uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020-ka, waxa kale oo gebi ahaanba la baabi’iyey sharciga iyo xeer kasta oo ka soo hor-jeeda arrinkan.