Daawo: Sheekh Maxamed Idiris: “Allah xikmad ayuu ka lahaa dilka IKRAAN TAHLIIL”

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida ayaa markii u horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay, kadib muddo la weysanaa.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay ku jirto xikmad cajiib ah oo banaanka soo dhigeysa dulmiga dowladda iyo mas’uuliyiinta u sareysa, islamarkaana ay kashifeyso dulmi ayada ka horeeyay.

“Ilaahay SWT xikmad ayuu ka leeyahay gabadhaas Soomaalida ah ee Muslimada ah in dhiigeeda uu maanta noqdo waxa arrintaan qarxiya, oo siyaasiyiintii kashifa, mas’uuliyiintii kashifa, dulmiga kashifa, dhiig badan oo muslima oo daatay kashifa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

“Ikraan ma aha kaligeed waxa dhintay laakiin xikmad ayuu Ilaahay SWT ka leeayhay, waxaan leenahay arrintaan waa arrin weyn oo Ilaahay daba-joogo, wallaahi noqon meyso arrin ciyaar ah oo lagu kaftamo.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay jiraan Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Siyaasiyiin la dilay oo illaa hadda aan la aqoonsan, islamarkaana ay Ikraan tahay xikmad banaanka u soo saareysa dhagar qabayaasha qarsoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhiiga Muslimka ciyaar ciyaar ma aha, meel cidla ah ma dhaceyso, waxa uu Ilaahay SWT daba-socdo cid bad-baadin karta majirto. Gabadhaas yar waxay tusaale u tahay malaayiin Soomaali ah oo dhulka ku jira, cadaalada ha lagu xaqo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay in la hor-istaago kiiska Ikraan, si ay cadaalad u hesho, asagoona dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo saaro cida uu ku cadado kiiska Ikraan, oo NISA sheegtay inay geeriyootay.

Hoos ka daawo Sheekh Maxamed, ka billow daqiiqadda 2-aad