XOG: R/Wasaare Rooble oo ciidamo gaar ah dul-dhigay xafiisyo ka tirsan NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xafiiskii agaasimaha NISA, xafiiska maaliyada, xafiiska diiwaanka iyo xogaha, qeybta hubka iyo VIP-da ee hay’adda NISA la dejiyey ciidankaas, kadib amar kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale xogta ayaa intaas ku dareysa in gaari kasta oo xarunta galaya ama ka soo baxaya la baarayo, sidoo kale waxaa la baarayaa dadka galaya iyo kuwa kasoo baxa, iyadoo dadka iyo gaadiidka geli karana ay aad u xaddidan yihiin. 

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, islamarkaana taabacsan Rooble, ayaa la sheegay in uu aad adkeynayo ammaanka xarunta gaar ahaan qeybaha ugu muhiimsan ee xogta iyo xafiisyada hay’adda ah. 

Goobaha ay ciidanka sida gaarka u ilaalinayaan waxaa kamid ah dhowr qeybood oo xafiisyo u badan, kuwaasi oo marba qeyb uu fariisan jiray taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa goobaha aadka loo ilaaliyo kamid ah qeyb degaan aheyd oo uu daganaa Fahad Yaasiin iyo shaqsiyaadka martida u ah. 

Arrintaan ayaa daba joogto baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo in afduubkeeda iyo dilkeedaba ay sabab u haayeen masuuliyiin katirsan sirdoonka Soomaaliya, lagana cabsi qabo in la burburiyo caddeymaha la xiriira kiiskan.