Midowga Murashaxiinta oo sideed qodob kasoo saaray xiisadda dalka ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa sideed qodob kasoo saaray xaaladda xasaasiga ah ee dalka ka taagan ee ka dhalatay isku dayga madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagay inay caddaalad helaan Ikraan Tahliil Faarax iyo qoyskeeda. Hoos ka aqriso qoraalka Golaha

Golaha Midowga Musharaxiinta (Council of Presidential Candidates)

Tix: GMMM/32/21 Tr: 10/09/21 

Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Midowga Murashixiinta iyo wadatashiyo badan oo ay sameeyeen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/21 ku soo gebagaboobay magaalaa Muqdisho. Kulanka iyo wadatashiyadaba waxaa looga dooday layskuna weydaarsaday afkaar ku wajahan xaaladda dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka. 

Waxaa laysla gartay qodobada soo socda: 

1. Goluhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka meel fagaare ah kula wareegay, kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku fashilmay qabashada doorashooyin daahfuran, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda. 

2. Goluhu wuxuu ku garab taagan yahay Raysal-wasaaraha in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan, eedaysanayaashana si deg-deg ah loo hor geeyo maxkamad awood u leh ka gungaaridda iyo qaaditaanka kiiskaas. 

3. Goluhu wuxuu cambaaraynayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku carqaladeynaayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan, iyo gabaadka sharci-darrada ah uu siinayo eedaysanayaasha kiiska loo haysto.

 4. Goluhu wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqa uu gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, Maxamad Mursal Abdirahman uu ku doonayo dib-u-soo noolaynta Golihi Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo daddaalka Raysal-wasaaraha, laguna hor istaagayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda. 

5. Goluhu wuxuu xusuusinayaa Maxamad Mursal in uu hore ugu fashilmay mu’aamaraadkaas, dalkana halis u geliyey colaad-sokeeye kadib markii uu meelmariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday. 

6. Goluhu wuxuu uga dhigayaa guddoomiye-hore Mursal in uu mar kale dalka geliyo colaad-sokeeye, wuxuuna Goluhu ka waaninayaa in uu dib uga istaago shirqoolada lagu cargaladaynayo hawlaha Dastuuriga ah ee horyaalla Raysal-wasaaraha . 

7. Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka codsanaayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay tixgeliyaan codsigoodii wax ka beddelka qodobo ka mid ahaa habraaca doorashooyinka oo u baahan in dib loo saxo, iyo in ay dedejiyaan dhamaystirka doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. 

8. Goluhu wuxuu bogaadinayaa Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen on fursad siman siiyey liiska tartamayaasha doonaya kuraasta Aqalka Sare oo ah sida saxa ah oo doorashooyinka loo agaasimo, waxaana u rajaynaynaa in ay doorashooyinkaas si daahfuraan ah ku soo dhamaystirmaan. 

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha Ciidamada Qalabka-sida in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, garab-na ku siiyaan Raysal-wasaaraha in uu waajibaadkiisa u guto sidii loogu igmaday. Wuxuu kaloo Goluhu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed, madaxda Dawlad-goboleedyada iyo Beesha Caalamka-ba in la iska kaashado sidii ay dalka ugu dhici lahaayeen doorasho daahfurnaan leh, laysla oggol yahay, dhaqsana ku qabsooma. 

-DHAMAAD-