Xasan Xundubey oo si yaab leh ugu ciil baxaya twitter-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii xilka laga qaaday Wasiirkii amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa waxa uu bilaabay in uu bartiisa twitter-ka soo dhigao qoraal is-daba joog ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xundubey ayaa u muuqda inuu weli aqbali la’ inuu xilka waayey, kadib markii uu horey sharci-darro ugu tilmaamay, isaga oo qiil ka dhiganaya “in lagu jiro xili kala guur ah oo waddanku galayo doorasho, uuna Rooble cidna xil ka qaadi karin.

Wasiirka la ceyriyay ayaa maalmihii u dambeeyay, gaar ahaan saacadihii u dambeeyay bartiisa twitter-ka ku baahinayey qoraalo ka dhan ah Rooble, taasi oo lagu macneeyay “in Xundubey uu ku ciil baxayo tweet-yadaaas”.

“Rooble, HORU-SOCOD ayaa laga rabay, ee GADAAL u socod lagama sugayn! In uu WEBIGA doorashada na goysiiyo, oo uu na dhaafiyo ayaa looga fadhiyay, ee in uu BUUNDADA/BRIDGE-ka dushiisa DAGAAL nagu geliyo lagama filayn!,” ayuu ku yiri tweet uu soo dhigay bartiisa.

“Rooble, Golihiisa Wasiirada HAL Wasiir hadii laga reebo, inta kale mar hore ayuu go’doomiyay. Dood dheer ka dib Wasiiradu waxa ay go’aansadeen in DANAHA bulshada dartood loo TANAASULO oo AAMUSNAAN lagula shaqeyo. Hadana AAMUSNAANTII ayuu u dulqaadan waayay oo uu SHIRQOOL u arkay!,” ayuu ku yiri mid kale.

“Rooble, DOONTA ay dadka Soomaaliyeed saaranyihiin, waxa uu meel nabad ah gaarsii kari lahaay, hadii uu u dhexeyn lahaa MUXAAFAD & MUCAARAD! Haddasa, waxaa muuqata in uu MUCAARADKA ku MILMAY! Hadii uu DAN ka leeyahay dadka & dalka, ha ku soo naqdo waddada DHEX-DHEXAADNIMADA!,” ayuu sidoo kale tweet kale ku yiri saacad kadib.

Wuxuu tweet kale haddana ku yiri “Qurbac yar oo qaan gaar ahayn, qalab culus kuu qaadi maa! minaad ku qaadi maagtana, hadow qalibo yaad qabsee?.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dikreeto kasoo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo.