R/W Rooble oo looga digay ‘arrimo ku hoos duugan’ dhex-dhexaadinta Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dhex-dhexaadinta laga dhex wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta, islamarkaana waxay labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaki geliyay waan-waanta laga dhex wado labada mas’uul, isagoona xusay saddex su’aalood oo xasaasi ah oo dul hoganaya arrintaas, kuwaasi oo kala ah; Cayrinta Fahad?, Caddaalad u raadinta Ikraan? iyo Gabbaad-siinta eedaysanayaasha?.

Waxa uu sheegay in marnaba aan laga yaabin in uu tanaasulo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, islamarkaana uu rabo in uu helo nin uu ka adkaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan-waanta agtiisa waa waqti iibsi, laakiin wuxuu mar walbana helaa qolo, iyaga qudhooda waanwaanta gabbaad ka dhiganaya oo kaga dhuumanaya in ay mowqifkii dadku ka sugayey caddeeyaan,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaaraha in uu ku adkeysato go’aanadiisa, islamarkaana uu hore uga sii socdo isaga oo ka feejigan hosaasinta Farmaajo, maadama ay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Maxkamadda dacwadda loo gudbiyeyna waa in ay horay u socodsiiso kiiska. Kiiska Ikraan maxkamad shacab ayuu saaran yahay, ma ah mid la dabooli karo. Dadka iyo dalkaba caddaalad ayaa deeqda.”