Fallanqeeye iyo aqoonyahan si weyn u taageera Farmaajo oo lagu afduubtay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu afduubtay fallanqeeye iyo aqoonyahay kasoo jeeda Soomaalida Kenya, oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, kaasi oo si weyn u taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiwahaab ayaa waxaa la waayey Arbacadii 8-da Bishan sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyagoo ka raadiyey dhammaan saldhigyada iyo xarumah ciidamada, balse ma helin wax akhbaar ah oo xaaladiisa ku saabsan.

Rag aan heybtooda la garaneyn ayaa Cabdiwahaab waxay ka afduubteen waddada Turbman ee magaalada Nairobi, ragga afduubka geystay ayaa la sheegay inay wateen hub iyo gaari.

Cabdiwahaab oo da’diisa lagu sheegay 55-sano jir ayaa ka faalloon jiray arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna kasoo muuqan jiray Warbaahinta Kenya iyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo faaqidaya arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiwahaab ayaa dhawaan tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna markaas kadib noqday taageero daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale loo qoray lacag si uu warbaahinta uga taageero Farmaajo.

Barta uu leeyahay Twitter-ka ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku badashay meel lagu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna la rumeysan yahay inuu sidoo kale taageero weyn u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Itoobiya Abiy Ahmed.

Gabar la dhalatay Cabdiwahaab oo la hadashay warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in lagu guul-dareystay baadi goobka walaalkeed, islamarkaana ay booliska xaqiijiyeen inuusan ku jirin gacantooda.

Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Cabdiwahaab ayaa iyadana sheegtay in ninkeeda uusan laheyn cadow gaar ah oo ay uga shakisan yihiin inay afduubteen, waxayna sidoo kale sheegtay inuusan jirin khalad uu ninkeeda sameeyey.

Walaacda laga qabo xaaladiisa ayaa si xoogeysanaya, iyadoo aan la ogeyn inay afduubteen dambiilayaasha iyo inay heystaan ciidamada sirdoonka Kenya, sidoo kale waxaa shaki ka jiraa in la khaarijiyey.