Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta laga dhex wado Rooble iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararki ugu dambeeyey ee khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in labada dhinac ay hadda xoogaa isku soo dhawaadeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta, islamarkaana waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda.

Maanta ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wada-hadallada, waxaana muuqata in Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay.