Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada u socda Rooble iyo Farmaajo – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo kulamada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isaga soo dhawaadeen qodobadoo la isku hayey.

Sida ay xogta sheegeyso, labada mas’uul ayaa gaaray heshiis hordhac ah, waxayna wararka sheegayaan in madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tanaasulay inta badan qodobadii khilaafka keenay.

Farmaajo ayaa ogolaaday magacaabistii uu sameeyey Rooble ee ahaa in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaha hey’adda Nabadsugidda, wuxuuna markii hore codsaday inuu isaga magacaabo Bashiir Goobe balse waxaa arrintaas diiday Rooble.

Arrinta Ikraan Tahliil ayaan weli heshis rasmi ah laga gaarin, waxaana la filayaa in kulamad tooska ah ee Farmaajo iyo Rooble xal looga gaaro. Farmaajo ayaa codsaday in kiiska Ikraan Tahliil loo dhaafo garsoorka.

Shirka oo markii hore ka billowday Villa Uganda waxaa ka wada qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed , wasiirka waxbarashada iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Kaddib waxaa kulan gaar ah uga billowday Xafiiska Madaxweynaha, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa.

Arrintaan ayaa ka dambaysay markii Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo khilaafka taagan.