Daawo: Sheekh Shibli oo Soomaalida u diray farriin ku saabsan kooxda Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay howlgallada looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab isaga oo bogaadiyay guulaha laga gaaray. 

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay baneysteen dhiigga dadka Muslimiiinta ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah qaraxyadii ay fuliyeen sida kii Zoobe oo kale.

“Waxa Soomaaliya ka socda waa dila Islaamka, waxey leeyihiin gaalo ayaa la dagaalameynaa oo Suuqyadi iyo Hoteelladi ayaa nag laga dhigayaa, gaalada kale ee joogta dalka oo innaga aheyn waa ayo marka laga reebo niman AMISOM oo taangiyo ku jira iyo kuwa Xalane difaac kaga jira maba la gaarayee,” ayuu yiri Sheekh Shibli. 

Waxa uu intaas ku daray “Gaalada la leynayo ee lagu jihaadayo oo dhiiggoodu xalaal yahay oo ilaahey loogu dhawaanayo oo inta muuqaallo soo duubaan ay leeyihiin murtidiinta ayaan nag ka dhignay waa ayo, waa Suuqa Zoobe iyo Hoteelladeena dadka joogo oo Muslimiin Soomaali ah.”

Sheekha oo goob fagaare ah khudbad ka jeedinayay ayaa sheegay in xukunka khawaarijta Al-Shabaab uu yahay in la laayo.

“Qof go’aankiisa uu yahay Muslim inuu laayo, shaqadiisa uu fulinayanaya ay tahay Muslim inuu gumaado, diin ahaana dhalan rogan, dhaqan ahaana dad gumaad ah oo xoolahoodu xalaal u yihiin oo dhiigoodu xalaal u yahay, dadka saas oo kale ah hadal iyo waan waan ah ma anfacdo, laaya meesha aad ku aragtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu Sheekh Shibli xusay in ijiid aan ku jiidee ay tahay in kooxda khawaarijta AL-Shabaab meel dhexe looga soo haro, waxa uuna tilmaamay inaysan laheyn Islaamnimo lagu daayo isagoo hoosta ka xariiqay in xalka kaliya uu yahay in laayo oo la iska dhiciyo. 

Waxa uu ugu dambeyntii Sheekh Shibli shaaciyay in xitaa dambi tahay in loo gargaaro isagoo in natiijadooda ay xun tahay haddii dadka lagu sii daayo, waxaana uu tusaale usoo qaatay dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay daadiyaan iyo inay xoolaha umadda xoog ku qaataan.

Hadalka Sheekh Shibli ayaa imanaya ayada oo gobollo ka mid ah dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxdan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ugu dambeyn usoo jeesteen inay iska dulqaadaan cadowga maalin kasta gumaadaya. 

Hoos ka daawo Sheekh Shibli