Daawo: Sheekh SUDAYSA oo ka hadlay arrin aan looga barran oo muhiim ah

Makkah (Caasimada Onine) – Sheekh Cabdi raxmaan Sudeysa, Imaamka Xaramka ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu aad uga hadlay arrin inta badan soo hadal qaadin oo ah siyaasadaha cusub iyo kooxaha Islaamiyiinta caalamka.

Sheekh Sudeysa ayaa ka hadlay khatarta iyo Fasaadka Khawaarijta ay ka wadaan Caalamka Islaamka, waxaana uu aad uga digay dhalinta khayrka jecal in aysan ku kadsoomin beenta iyo hadalka macaan oo ay Khawaarijta ka dhigtaan dabin ay ku dabtaan dhalinta aan diinta wax badan ka aqoon, si ay danahooda ugu fushaan.

Dhibaatada ay kooxaha Khawaarijta ka wadaan dunida Muslinka iyo daadinta dhiiga Islaamka waxaa kugu filan wax ka socda Caalmka Islaamka gaar ahaan Shaam, sida uu soo hadal qaaday Sheekha.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay xasuuqa iyo dulmiga ay Yahuudu ka wado Gaza, waxaana uu wax lala yaabo ku sheegay aamuska madaxda dowladaha Islaamka iyo munudamaanka ku wardiya xuquuqda Insanka.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa waxaa kale oo uu umada Islaamka uga digay khilaafka iyo kooxeysiga wiiqay awoodoodii. Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa sidoo kale u duceeyey dhamaan muslimiinta gaar ahaana waxaa u uduceeeyey muslimiinta Falastiin ee Gaza iyo Muslimiinta Shaam (Suuriya).

Hoos ka Daawo Khudbadii الشيخ عبدالرحمن بن عبدالعزيز السديس uu ka jeediyey Jimcihii la soo dhaafay Khatarta Khawaarijta