Daawo: Sheeko banaanka soo dhigtay askareynta xoogga ah ee kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabo Maxamed Ciise oo kamid ah dadka deegan Towfiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warbaahinta dowladda uga warbixiyay dhacdooyin uu kala kulmay Al-Shabaab intii ay deegaankaas gacanta ku haysay.

Aabahan ayaa sheegay in Shabaab ay xirtay kadib markii uu diiday in wiilkiisa u gacan galiyo kooxda, taasi oo kamid ah qorshaha askareynta xoogga ah ee Shabaab.

“Al-Shabaab waxay igeysatay dhacdooyin badan balse waxaa kusoo koobaya oo igu culeys badneyd wiilkaaga soo qabo aan waxaa rabno ka sameysano, intaas kabacdi waa ka dhago adeygay oo Xamar ayuu jiray,” ayuu yiri.

“Meesha ay igu xireen waa Masaajid Cali Gaduud, waxay igu yiraahdeen machad ayaa la geyna oo waxba bareyna, wax ay barayan ma aqaan waa iska diiday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan waalidiin billooyin ugu xirna Al-Shabaab inay diideen “in kooxda u gacan galiyaan caruurtooda.”

“Dhibaatadii Alle ayaa naga dulqaaday iyo dowladda Soomaaliya. Waxa dareemayna farxad iyo wax badan oo shacabka waa ku faraxsan yahay.”

Aabahan ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan la-dagaalanka Al-Shabaab oo dalkaan ka geystay dhibaatooyin aad u badan.

Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa askareynta xoogga ah ee Al-Shabaab, ayada oo waalidiinta ku nool deegaanada ay ka taliyaan ku amra inay caruurtooda keenaan, si ugu dagaalamaan kooxda.

Tan iyo markii uu billowday howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu gaarsiiyay jab xoogan, waxaana lagala wareegay deegaano hor leh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Hoos ka daawo