Wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo sheegay arrinta ka horeysa heshiis siyaasadeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi oo ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxa uu si adag uga horyimid in shirka Baydhabo looga hadlo kaliya khilaafka doorashada ka dhashay, islamarkaana lagu soo hadal qaadin shaqaaqadii xiisadan ka dhalisay Baydhabo, taasi oo dad ku dhinteen, sida uu sheegay.

“Wixii dhacay wey dhaceen dagaal ayaa Baydbabo ka dhacay oo nooga dhintay si macno darro ah, waxaa aaminsahay shirka furmay haddii caqliga iyo aragtida dadka la isku geeyo oo wixii dhacay laga garaabo in ay tahay fursad fiican oo Koonfur Galbeed hore ugu socon karto.”

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku doodaya in waxkasta ay ka horeyso “ka garaabista wixii dhacay” si looga gudbi oo heshiis looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed ee u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka.

“Haddii caqligu shaqeynayo oo si rasmi ah loo wada-hadlo oo la isku garaabo waxa aaminsanahay in wax uun lagu heshiin karo. Waa in ninka xilka hayana la dhihi karo waxaasa ka qaldan, haddii uu wanaag qabtana waa ku mahadsan tahay la dhaho.”

“Waa ayaan-darro weyn in Baydhabo lagu weeraro guriga siyaasi xaq u leh in loo doorto xilka u sareeya dalka, waxaa aaminsahay in arrintaan ay noqoneyso ajendaha u horeeya ee shirka, waana nasiib darro arrintaas oo laga wada-hadlin in arrimo doorasho laga wada-hadlo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis loo dhan yahay lagu sameeyo Dastuurka Koonfur Galbeed, si xal kama dambeys ah looga gaaro muddo xileedka madaxweyne kasta oo maamulkaasi yimaada, si aysan markasta usoo laaban xiisadda siyaasadeed ee taagan.