Daawo: Sida ay u dhacday Toogashada Afhayeenka Police-ka dalka Ugandha

Kampala (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Afhayeenkii Ciidamada Police-ka Ugandha Gen. Andrew Felix Kaweesi.

Toogashada Afhayeenka ayaa dhacday xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafada Kulambiro ee dagmada Nakawa, ee magaalada Kampala waxaana lala dilay 2 sarkaal oo kale.

Kooxaha weerarka geystay ayaa baxsaday, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa sida wararku sheegayaan.

Ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada Ugandha ay sheegtay in la baarayo weerarkan oo si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Ugandha.

Ciidamada ayaa goobta ku qabtay ilaa Seddex ruux oo xiliga weerarka kasii cararaayay goobta kuwaa oo la sheegay in iminkaba lagu wado baaritaan.

Kooxaha toogashada geestay ayaa la sheegay inay wateen Mootooyinka inta badan laga wada isticmaalo dalka Ugandha, waxaana dilka Afhayeenka lagu tuhmayaa Xisbiga mucaaradka oo dhawaan Ciidamo taabacsanaa laga saaray liiska Booliska iyo Milliteriga.