Xildhibaanada Beesha Mareexaan oo qaali noqday iyo sheeko yaab leh oo ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa weli magaalada Muqdisho la isku dagaalayaa sidii loola kulmi lahaa madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ah ninka ay ka go’do talada cidda kasoo mid noqneyso golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabi rabo dhawaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Haddaba waxaa magaalada Muqdisho ka taagan arrin yaab badan markii Xildhibaanada kasoo jeedo Beesha Mareexaan oo uu ku abtirsado madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi ay qaali noqdeyn isla markaasna saf loogu jiro sidii loola kulmi lahaa xildhibanadaaas.

Waxaa safaf dhaadheer loogu jiraa Hotelada ay Magaalada Muqdisho ka dagan yihiin XIldhibaanada Beesha Mareexaan, sidoo kalana waxaa la arkayaa siyaasiyiin badan oo baadi goob ugu jiro.

Xildhibaanada kasoo jeedo beeshaas ayaa noqday kuwa qaali ah waxayna diideyn inay la kulmaan dadka qaar weliba kuwa ay markii hore aad isugu fiicnaayeen, balse hadda waxaa soo baxday inay taleefoonada badasheen.

Xildhibaanada qaar ee beeshaas ayaa la kulankooda waxaa loo bixiyaa lacago hadiyad ah, si ay siyaasiyiinta ugu fududeeyaan la kulanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shaqsi ay inta badan ku xiran tahay inuu kalsooni ka heysto isaga qofka rabo inuu wasiirada kasoo muuqdo.

Qaar ka tirsan xildhibaanada dowladda oo ay caasimadda Online makaroofan la dhex qaaday ayaa sheegay inay xildhibaanada beesha madaxweynaha noqdeyn kuwa qaali, waxayna qaarkood xuseen inay siyaasiyiin ay saaxiibo ahaayeen 10- sano ka hor ay bilaabeyn inay diidaan la kulankooda.

Arrintaan ayaa ah mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya, xilli la xasuusto inaysan xildhibaanadii Beesha Abgaal aysan waxba uga duwaneyn xildhibanaadii kale intii ay dalka Xukumayaan Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com