Daawo: Sidee xulka qaranka ee 17 jirada maanta loogu soo dhoweeyey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib guushii taariikhi aheyd ee ay xulka qaranka ee 17 jirada kasoo gaareen ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal shacab ah ayaa safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta kooxda ciyaartoyda ee soo qaaday koobka CECAFA, kadib markii ay guul weyn  ka gaareen xulka qaranka South Sudan oo ay ciyaartii ugu dambeysay uga badiyeen 3-1.

Ciyaartoyda iyo macallinkooda oo farxad weyn ay ka muuqatay, isla-markaana waday koobka ayaa ka soo dagay garoonka, waxayna koobka ku wareejiyeen guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Madaale oo ku sugnaa garoonka Aadan Cadde.

Intaas kadib ayaa kooxda xulka qaranka ee 17 jirada loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo haatan laga dareemayo dabaal-deg weyn iyo soo dhoweyn ballaaran.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo inta badan la xiray jidadka magaalada Muqdisho, si looga hortego suurta-galnimada falal ammaan darri oo dhaca.

Guushan ayaa Soomaaliya uga dhigan mid aad u weyn oo qiimo badan, maadaama markii ugu horreysay ay ku guuleystay koobka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.