Ciidamada uu hogaaminayo xildhibaan Xaadoole oo la wareegay degaano hor leh

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al- Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano ku yaalla Bariga degmada Balcad, ayaa saaka howlgallo amniga lagu xaqiijinaya ka sameeyay degaannada Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadleey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay hoggaaminayaan xildhibaan Cusmaan Xaadoodle iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo labaduba ka tirsan ciidamada milateriga ayaa waxaa la sheegay inay maanta kula wareegeen degaannada Jameeco, Yaaqle, iyo degaano kale oo ku yaalla degaannada jiinka wabiga ee bariga degmada Balcad.

Dhinaca kale ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgallo ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo sida la sheegay lagu arkay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu horkacayay xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku galeen deegaanka Qoryaalle iyo deegaanada kale ee ka ag dhow, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamuud Cismaan Hagar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in isaga oo jira da’da 60 sano uu ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii dadka reer Hiiraan ay dhibaato adag kala kulmeen Al-Shabaab, wuxuuna odayaasha kale ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka.