Siyaasiyiin ka digay qorshe uu damacsan yahay DENI

Garoowe  (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019 ayaa si weyn uga digay qorshe muddo kororsi oo ay ku eedeeyeen in uu damacsan yahay madaxweyne Saciid Deni.

Musharaxiintaan oo ay kamid yihiin wasiirkii maaliyada Puntland, Faarax Cali Shire iyo wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa waxay sheegeen in Deni uu doonayo in saddexda urur siyaasadeed ee kusoo baxa doorashada golayaasha deegaanka ay muddo kordhin u sameeyaan.

“Ragayagii madaxweynaha la kulmay waxaanu kula talinay inuu cadeeyo inuusan muddo kororsi u socon. Barnaamijkaasna uu daacad ka yahay, laakiin sida hadda soo baxaysa waxaa weeye dowladdu inay faras kale saaran tahay, aysanna doonayn in la wada guuro,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland ayaa sheegay in damaca Deni uu Puntland u horseedayo dagaal gudaheeda ka qarxa, kaasi oo uu masuuliyadeeda koowaad uu qaadan doono Deni, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Deni waxa uu tolanaya shaati ka weyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, kaasi oo uu ula jeedo doorasho waqtigeeda la dayacay inuu isku dayayo inuu hadda qabto.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa ayada oo soo baxeyso in Deni uu qorsheynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa markale tallada Puntland ama ugu yaraan muddo kororsi ugu sameysan lahaa.