Daawo: Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay dadkii xajka ka aaday sanadkaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Seylici oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay khilaafka arrimaha xajka ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa beeniyey in wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya ay ka wadahadleen arrimaha Xajka, isagoo qaran dumis ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee Muqdisho iyo Garowe ka dhoofay, si ay u soo xajiyaan.

“Waxaan beeninayaa hadal ka soo yeeray wasiirka diinta iyo awqaafta Muqdisho oo yiri waxaan Madaxweyne ku xigeenka ka wadahadalnay arrimaha xajka, waxaan umadda reer Somaliland u cadeynayaa in wax wadahadal ah aana la yeelan qof ka tirsan qaranka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in wasiirkaas uu ku xad gudbay sharafteyda iyo tan qaranka Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wasiirku uu si aan habooneyn u qeybiyey arrimaha xajka, wuxuuna sheegay in Somaliland ay tahay qaran, taas oo ka dhigay in dowladda Sacuudiga ay ka doonayaa qoondadoodii xajka.

“Umadda Somaliland waxay boqortooyada Sacuudi Carabiya uga fadhisaa xuquuqdooda islaamiga ah oo 31-sano ay hagal daacineysay, xukuumadda Somaliland, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka iyo culumadu waxay go’aan ku gaareen in sanadkaan aan ka harno xajka oo Somaliland aan laga xajin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Seylici.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Somaliland waxaan u sheegeynaa in cidii meelo kale ka dhooftay ama u baryo tagtay inay meel u dhacday qarankaan go’aanka qaatay oo ay dhinac mareen.”

Hoos ka daawo