Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay saraakiil ‘kasoo goostay’ Danab iyo Gorgor

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska guud ee Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Saraakiishan oo Afar ahaa, waxayna sheegeen inay kasoo goosteen Soomaaliya, islamarkaana la qalday oo mabda’a midnimada wax kusoo bartay ayaga oo dhalinyaro ah.

“Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha iyo askarta kasoo goosatay ee mabaadida Soomaali Weyn ee lagu qalday kasoo noqotay ee Somaliland isku soo dhiibtay waan aqbalnay,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Afgaduud.

Saraakiishan oo qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa GORGOR ayaa waxay cafis weydiisteen mas’uuliyiinta Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu qalday fikirka Midnimada, iyagoona ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

“Waxaan maanta umadda Somaliland aan ka codsanayaa dhamaan cafis, waxaan ahayn dhalinyaro la qalday oo mabda’a Soomaaliyeed wax ku soo bartay laakiin maanta waxaa kusoo laabanaya Jamhuuriyada Somaliland, calankayagii oo u dhalanay anagoo ogaanay xaqiiqada jirta,” ayuu yiri Labo xidigle, Jaabir Ismaaciil Cismaan.

“Dadka shacabka ah ee la qaldayo inay ku wax qaataan anaga oo maanta ciidan ah oo ciidan xukumeynay, oo ciidanka ugu sareeya Kumaandooska DANAB ka nimid, waxaa kusoo noqonay dhulkayagii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hoos ka aqriso magacyada Saraakiishan iyo darajadooda

1. Jaabir Ismaaciil Cismaan = 2-Xidigle
2. Maxamuud Axmed Cali = Xidigle
3. Yuusuf Maxamed Jaamac = Xidigle
4. Maxamed Xasan Xaashi = Dable

Hoos ka daawo muuqaalka