Xukuumadda Rooble oo ku gacan seertay in la kala diro

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan seertay baaqyada ku aadan in la kala diro sababo la xiriira in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’adaha dastuuriga ah ee dalka aan loo kala diri karin “mudo xileedkii ayaa ka dhamaaday.”

Waxa uu sheegay inay kobocday dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana hormaro kala duwan ay dalka ka socdaan.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in aan loo baahneyn in lagu celceliyo baarlamaanka iyo xukuumadda waqtigii ayaa ka dhamaaday ee hala kala diro, balse ummadu ay arkaan waxqabadka socda, sida uu sheegay.

“Dalkeenu waxa uu ku socdaa kabasho fiican, dad ayaa raba in aan lasoo kaban, shisheeye ha ahaadaan ama Soomaali, banaanka ayaa laga soo dirayaa dadka qaar, iyadoo la leeyahay baarlamaanka hala kala diro, xukuumadda hala kala diro, waxaasi macquul maaha, dalka dowladiisu waa adkaatay, horayna waa u socanayaa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale Dubbe waxa uu sheegay in iftiinkii uu u muuqdo umadda Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay khasaarihii Shabaab ka soo gaaray weerarkii Shabeellada Hoose ee maalin ka hor ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiir Dubbe waxa uu imaanayaa, xilli uu dhamaaday muddo xileedkii dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya, isla markaana aan weli lagu heshiin hanaanka loo qabanayo doorashada guud ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay kulamo ka yeeshay khilaafka dhexdooda ah, in kastoo aan kulamadaas laga gaarin wax horumar ah.

Beesha Caalamka oo cadaadis ku saareysa madaxda Soomaaliya inay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada ayaa bogaadisay kulamadii ay yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Hal maalin oo lagu macneeyey nasiino iyo latashiyo ayaa maanta loo baajiyey kulamadii madaxda, waxaana lagu wadaa in berri oo Talaado ah ay dib isugu soo noqdaan.