Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay sawirro beenin u ah arrin lagu eedeeyey

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa beeniyay inay burburiyeen warshadii biyaha ee magaalada Laascaanood, iyaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ciidanka ay gubeen warshadaasi.

Taliyaha Guutada 114-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle sare Maxamuud Cismaan dheri (Indha-yare) ayaa kasoo muuqday warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland xilli uu ku sugnaa warshada biyaha ee magaalada, oo aysan ka muuqan wax burbur ah.

“Waxa ku suganahay warshadii biyaha Laascaanood ee Goojacadde ku taallay, lama furfuran oo madaafiic kuma dhicin, rasaas lalama dhicin oo waa badqabtaa,” ayuu yiri Taliye Indha-yare.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “in ciidamo gaar ah loo saaray warshadaan ilaalinteeda tan iyo markii uu billowday dagaalka,” oo burbur xoogan gaarsiiyay magaalada.

“Warshadda umadda oo dhan ayay ka dhaxeysa waa ilaalineynay oo waardiye ayaa ka aheyn intii dhibaatada ka dhacday Laascaanood. Ijiinadii waa badqabaan waxaa leenahay qolada leh rasaas ayaa lala dhacay ama waa la gubay inaysan waxba ka jirin, waxaa u sheegayna umadda in arrinkaas uu sal iyo raad toona laheyn.”

Muuqaalka ay baahisay warbaahinta xukuumadda Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii si weyn loogu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in ciidankooda ku sugan aagga Goojacade ay dab qabad siiyeen warshadda oo ku taalla duleedka magaalada, islamarkaana ay ka afduubteen laba kamid ah shaqaalaheeda.

Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah.

Labada dhinac ee isku haya xarunta gobolka Sool ayaa illaa hadda dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ah ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha kasii baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi.