Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay saddex sharci oo cawaaqib leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay seddax sharci oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.

“Mawaxweynaha oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.

Munaasabadda saxiixa sharciyadaas oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa labada gole ee baarlamaanka ku amaanay sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, hadey amni tahay oo siyaasad tahay dhamaan waxay ku saleysnaanayaan sharciyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Markii uu shuruucdaan saxiixayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garbihiisa taagnaa guddiyadii soo diyaariyey iyo masuuliyiinta hey’adaha loo diyaariyey shuruucdaan, sida Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo kor taagnaa madaxweynaha markii uu saxiixayey sharciga hey’adda.