Daawo: R/Wasaare Xamza oo maanta ilinta ceshan waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ilinta cesha waayey, kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusay maalinta haweenka ee 8-da Maarso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku dheeraaday ka hadalka qiimaha hooyada Soomaaliyeed ayaa ooyey oo linta cesha waayey markii uu soo xusuustay geeridii hooyadii oo marxalado adag ku soo korisay, sida uu sheegay.

Xamsa Barre ayaa sheegay in markii uu dhashay uu dhintay Aabihiis, balse uusan tebin oo Hooyadiis ay u soo korisay si wanaagsan, isagoo yiri “Agoonka rasmiga ah waa qofkii hooyadiis waaya, anigaba ha ila ekaadee, waa agoon qofkii Hooyo la’aan noqda.”

“Waxaan ku jiraa dadka ay Hooyadu micnaha gaarka ah u leedahay, waxaan ahay yaraanka reerkeena, hal gabar oo hooyadey iyo aabahey dhaleen ayaa 10 sano iga weyn, anigu waxaan ahaa qofkii labaad, laakiin nasiib darro Aabe waa dhintay markaan dhashay, mana arkin weligey,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse.

Wuxuu sheegay inuu ahaa Hooyo koris aad loogu soo dhibtooday, balse heer fiican lasoo gaarsiiyey, sida waxbarashada oo ilaa heer sare uu soo gaaray ay hooyadiis garab taagneed.

“Waan ka duwanahay wiil ama gabar ay hooyo iyo Aabe soo wada koriyeen, Hooyadey waxay dhimatay sanadkii hore 16-kii Febraayo, maalinkii ay hooyadey dhimatay,” intaas markii uu marsiinayo hadalkiisa ayuu ilinta ama oohinta cesha waayey r/wasaare Xamsa.

Wuxuu sheegay in maalintaas oo dareemay xanuun badan oo agoonimo uu dareemay, “Hooyo waxaa noo bedeshay walaashey iga weyn, reerka ayadaa isku wada, hooyadu aabaha lamid maaha, agoonka rasmiga ahna waa qofkii Hooyadiis waaya,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intaas ku sii daray in weligiis uusan Aabe tebin, balse hadda uu dareemayo inuu agoon yahay, markii uu waayey hooyadiis.

Hadalkaan ayuu R/Wasaaruhu ka sheegay munaasabad weyn oo lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee 8-da Maarso, wuxuuna aad ugu amaanay haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin dib u soo kabashada Soomaaliya.

Hoos ka daawo