Madaxda sare oo soo faro-gelisay khilaafkii Roobow iyo Saalax Shariif + Go’aan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxayay khilaaf xoogan u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali iyo ku-xigeenkiisa Saalax Shariif Sayid Cali.

Khilaafkan oo salka ku hayay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 oo uu magacaabay wasiir Roobow, ayaa waxa markii dambe laga gaaray xal kadib markii ay soo fara-geliyeen madaxda sare ee dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka noqday warqad uu kaga horyimid guddiga uu magacaabay Wasiir Roobow, islamarkaana cudur daar ka bixiyay arrintaasi.

“Aniga oo tixgelinaayo Halku-dhigga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah, fulinaya tallooyinka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa go’aansadey in aan ka noqdoo warqadii aan qorey 6-dii bishaan kuna saabsaneyd guddiga tartanka adeega Xajka 2023,” ayuu yiri Saalax Shariif.

Warqadda kasoo baxday 6-dii bishaan Saalax Shariif ayaa waxaa ku sheegay in guddiga uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kuna dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa qoraalka cusub ee uu soo saaray ku sheegay in arrintaasi uu ka raali-gelinayo madaxda sare ee dalka, si gaar ahna ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxaanna Madaxda Qaranka ka raali galinayaa gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha wixii uu dhibsadey,” ayuu yiri Saalax Shariif oo cudur daar ka bixiyay tallaabadii uu markii hore uga horyimid Wasiir Roobow.

Guddiga Xajka ee markii hore dhaliyay khilaafka wasiirka iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa xubnaha guddiga ku jira, islamarkaana xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali.