R/Wasaare Xamza oo shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista rayidka (HDRS), kadib markii lagu eedeyay wada-shaqeyn la’aanta howl-wadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda duulista.

Wareegto kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5-tii bishaan oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu faray Wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada soo jeedinta habraaca tartanka guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka waxaa sidoo kale la farayaa in ay soo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada wax ka-bedelka iyo kaabista sharci ee lagama maarmaanka u ah in lagu sameeyo sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, si la jaan-qaadi karto heerka dhismaha hay’addaha Duulista Rayidka ee Caalamka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu faray Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada inay waafajiyaan sharciga hay’adda wixii xuquuq ah ee u bislaada kana maqan guddiga maamulka HDRS muddadii ay xilka hayeen.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo fulineysa wareegtada ra’iisul wasaaraha ayaa waxay soo saartay go’aan ay ku fareyso Maareeyaha guud ee HDRS in uu meel-mariyo wareegtada shaqo joojinta.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku wargelisay xubnaha guddiga in ay si deg deg u wareejiyaan dhamaan hantida dowladda ee ay adeegsanayeen guddiga shaqada laga joojiyay ee maamulka HDRS, taasi oo isugu jirta xafiisyo iyo agab kale ee shaqada.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay fartay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada inuu diyaariyo habraaca loogu sameynayo dib u eegista sharciga hay’adda iyo habraaca soo xulista guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradad Gaadiidka iyo Gaadiidka Hawada ayaa ugu dambeyntiina fartay Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) inuu u fududeeyo guddiga shaqada laga joojiyay wixii xuquuq ah ee leeyihiin muddadii ay xilka hayeen, si waafaqsan sharciga hay’adda.

Guddiga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay ayaa hore ugu eedeeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal in ay sameeysay ku tagri-fal awoodeed, islamarkaan ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin agaasimaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada guud ee hay’adda.

Xubnahan ayaa sidoo kale waxay xilligaasi sheegeen inin maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax-banaan wasaaradda.

Hoos ka aqriso warqadaha kasoo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada