MAHAD SALAAD oo codsi u diray AQALKA SARE kadib tallaabadii maanta ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa si weyn usoo dhaweeyay ansixintii hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada, kaasi oo ay maanta meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa uga mahada-celiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka meel-marinta sharcigaan, oo muddo badan horyaalay Baarlamaanka, horena dhowr jeer dib loo celiyay dooddo ka dhashay awgeed.

“Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka fal-dambiyeedyada la xariira argagixisada,” ayaa ku yiri Agaasime Mahad Salaad qoraal kooban oo uu soo saaray.

Mahad ayaa waxa uu ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS inay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si looga gudbo caqabadaha ay argagixisadu ku hayso dalka.

Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, kuwaasi oo inta badan ay soo meel-mariyaan Golaha Wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.