Daawo: Taliyaha booliska oo digniin culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee berri ka qayb galaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa faray dhalinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya degmooyinka magaalada Muqdisho inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga, lana shaqeeyaan ciidamada booliska, oo uu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay nabadgalyo ugu dhici laheyd cayaartu.

“Berri waa maalinkii u dambeysay ee cayaaraha, waxaan dhalinyarada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaneynaa, in si deganaasho ah cayaaraha looga qeyb galo, oo nidaamka la dhowro, ciidanka booliskana la gacan siiyo,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay, sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

“Ciidanka berri wax ka maamulaaya cayaaraha, ee mas’uuliyiinta ku howlan cayaaraha la shaqeynaya, waxaan farayaa inay gacan siiyaan shacabka, oo aysan wax carqalad ah meeshaas ka dhicin,” ayuu ku soo gaba-gabeeyey hadalkiisa Taliya booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hoos ka Daawo