Daawo: Taliyaha Hodan oo xog muhiim ah ka bixiyey dilkii guddoomiye Dhagajuun

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Bashiir Cabdi Siyaad oo ka mid ah marqaatiyeyaasha la horgeeyey maxkamadda ciidamada oo maanta billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ka warbixiyey sida uu u dhacay dilka.

Bashiir oo xilligaas ahaa taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa shaaca ka qaaday in ka hor inta uusan dhicin dilka uu taliyaha saldhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud lasoo wadaagy xog ku aadan inay gudaha magaalada soo galayaan gawaari sida muqaadaraad, isla-markaana uu hayo xiriirkooda iyo sidoo kale xogtooda, soona socdaan.

Intaasi kadib taliye Bashiir wuuxuu sheegay inuu isna xogta usii gudbiyey taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Saadaq Joon, isaguna uu ku amray in laga hortego gawaarida la sheegay inay magaalada soo gelinayaan muqaaradaadka.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inuu tegay saldhigga Howl-wadaag, uuna ugu yimid taliye Shuceyb oo diyaar garoobay, isla-markaana uu la joogo taliyaha Waaberi, isaga oo xusay inuu kala hadlay sida loo fulinayo howl-galka oo uu mas”uliyadiisu qaatay Shuceyb.

Bashiir oo ka mid ah marqaatiyaasha kiiskan ayaa sidoo kale tilmaamay inuu wacay taliyaha saldhigga Hodan, si uu qeyb uga noqdo howl-galka, balse wuxuu xusay inuu arrintaasi ka horyimid taliyaha salddhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud oo isugu sheegay inuu kaligiis ku filan yahay howshaasi iyo fulinteeda.

“Aniga waxaan wacay taliyaha saldhiga degmada Hodan si obareeshinkaas uu mid guud u noqdo. Shuceyb wuu soo booday wuxuu yiri taliye aniga ayaa ku filan, wax Problem ahna malahan ee dhammaan yaanan ku wada dhafrin shaqadaas aniga ayaa qabanayo,” ayuu yiri taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo ka hor-hadlay maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Bacdeen waxaa iigu xigtay rasaasta dhaceysa aniga oo kormeer isaga socda wuxuu gacanka iga soo siiyey in baabuur uu xabadeeyey oo rasaas ay isku fureen bacdeena gaariga uu gadaal u baxay. Waxaan ku iri wax khasaare ah ma jiraan wuxuu dhahay ma faah faahin karo, kadib waa soo baxay meel dhexe intaan soo marayey ayuu igu soo celiyey wuxuuna igu yiri waa guddoomiyihii degmada Hodan,”.

Bashiir Cabdi Siyaad oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in durbo uu tegay goobta ay dhacdadu ka dhacday, isla-markaana uu la kulmay dhimashada guddoomiyaha iyo dhaawac qaar ka mid ilaaladiisa, kadib wuxuu carabka ku dhuftay inuu amray in dhammaan askarta laga qaado hubka, laguna xareeyo saldhigga, isaga oo intaas ku sii daray in kadib la waayey askari ka mid ah ilaalada taliye Shuceyb oo qeyb ka ahaa falkaasi.

“Goobta ayaan imid waxaan la kulmay ka bacdi dhimashada guddoomiyihii iyo dhaawaca dadka anaa ugu soo horreeyey, kadibna tallaabadii iiga gudbooneyd ayaan qaaday. Saraakiishii ayaan u yeeray nin walba istaafka uu wado qoryaha haka qaado saldhiggana halagu wada xareeyo, sidaas ayaan hubka uga dhignay bacdeena istaafkii mid ka mid ah ayaa la waayey oo Shuceb istaafkiisii ka mid ah ahaa,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo horey guddiga loo saaray baaritaanka sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Dhagajuun uu shaaca ka qaaday in bareer ah loo toogtay marxuumka.