Farmaajo oo $150,000 ku qortay shirkad Mareykan ah oo u ololeysa + Caddeymo

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaqaaleeyey koox uga ololeysa Congress-ka Mareykanka, xilli uu wajahayo cambaareyn xooggan oo kaga imaneysa maamulka Joe Biden, taasi oo ku aaddan muddo kororsiga uu sameystay.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa heshiis ku kacaya $150,000 la gashay shirkaddan oo lagu magacaabo LFA Holdings, fadhiggeeduna yahay gobolka New Jersey, si ay u abaabusho booqasho uu Farmaajo ku tago Mareykanka, sida ku cad diiwaan loo gudbiyey Waaxda Cadaaladda Mareykanka, oo ay heshay Caasimada Online.

Diiwaanka ayaa lagu sheegay in LFA ay gacan ka gaysan doonto kulamo lala yeesho xubnaha Congress-ka Mareykanka iyo khubaro, hase yeeshee laguma xusin wax kulamo ah oo lala yeelanayo mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta Mareykanka.

“Shaqada ay qaban doonto LFA waxaa ku jira, balse aan ku koobneyn oo kaliya, inay taageero u hesho booqashada Congress-ka,” waxaa sidaas warqadda heshiika uu la galay safiirka Soomaaliya ee Washington Cali Shariif Axmed, ku yiri Luis Aleman oo madaxda LFA.

“LFA waxay sidoo kale gacan ka gaysan doontaa xoojinta xiriirka shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayada oo la raadinayo fursado maal-gashi oo toos ah,” ayuu yiri Aleman. 

LFA ayaa lasiin doonaa $150,000 oo ay shaqadan ku qabaneyso, sida ku cad diiwaan-gelinta shaqsiga ah ee uu sameeyey Aleman, isaga oo u hoggaansamaya Xeerka Diiwaan-gelinta Wakiilada Ajaaniibta ee loo yaqaan Foreign Agents Registration Act (FARA).

Warqadda heshiiska ayaa ku taariikheysan 22-ka March, taasi oo aheyd saddex maalmood un kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu soo saaray bayaan uu ugu baaqayo dowladda federaalka inay deg deg u qabato doorashooyinka.

13-kii April, Blinken ayaa soo saaray bayaan kale oo uu ku diiday muddo kororsiga hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha. 

Tibor Nagy oo ah kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika ee xilligii madaxweyne Trump ayaa sheegay in Farmaajo uu xulufo cusub ka raadinayo Washington, xilli uu sii kordhayo shakiga uu maamulka Biden ka qabo. 

“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay garowsan tahay inaysan hadda awoodin inay wax ka iibiso maamulka Biden, marka maxaysan uga billaabeyn Congress-ka,” ayuu yiri Naggy.

Muhiimadda dowladda federaalka ayaa ah in lasii joogteeyo kalamada dowladda Mareykanka ee ay suurta-galka tahay in loo joojiyo muddo kororsiga darteed, kaalmadaas oo sanadkii tegay gaareysay $137 milyan, iyo gacan ka gaysashada dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso caddeymaha heshiiska