Daawo: DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanadii ka soo baxay Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay qaraarkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee la xiriiray xaaladda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodob ka mid ah qodobada kasoo baxaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, balse ay diidan yihiin laba qodob.

Dubbe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in ergeygan uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah iyo sidii Shacabka Soomaaliyeed mar kale gacantooda loogu soo celin lahaa awoodda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

“Ma jiro urur goboleed sharci u leh inuu ka hor yimaado go’aan kasoo baxay baarlaman dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, waa arrin la yaab leh qodobkaas, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Aammaanka Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay sidoo kale diidan tahay qodobka la xiriira in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

“Go’aanki kasoo baxay Midowga Africa ee ku saabsanaa in ay AMISOM la socoto dhaq-dhaqaaqa ciidamada Dowladda waxay niyad jab weyn ku tahay ciidamada Soomaaliyeed inkastoo ay niyaddooda adag tahay, waxay arrintaan dhaawaceysaa howshii socotay ee aheyd in ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan kuwa Midowga Afrika, sidoo kalana waxay dhiira gelineysaa ururka argagixisada ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Dubbe.

Dubbe ayaa sheegay in labadaas qodob ay yihiin kuwa ka hor-imanaya madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ka dambeeyeen dalalka Kenya iyo Jabuuti. 

“Dowladaha kenya iyo jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaas balse waxaan la yaabanahay dowladda Jabuuti maadaama khilaaf uu hore uga dhexeeyay dowlada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta .

“Dowladda Jabuuti waxa ay sii wadaa wixii aan hore uga digney afar sano kahor, kursiga ay Jabuuti ku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayaan ugu ogolaanay balse waxay ku fakartay inay Soomaaliya ku dhibaateyso,” ayuu yiri Dubbe.

Ugu dambeyntii Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo dhawaynayso hadalkii ka soo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Dubbe