AQRISO: Magacyada guddi loo xil-saaray shaqaaqadii garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa magacaabay guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda rabshadihii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban afar xubnood ayaa guddoomiye looga dhigay Axmed Macalin Xasan oo ah maareeyaha hey’adda duulista rayidka, waxaana la faray inay deg deg u howlgalaan.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya asaga oo fulinaya amarkii Ra’iisul wasaaraha iyo qodobadii ka soo baxay shirkii amniga ee deg dega ahaa ee dhacay 23/04/2021, waxa uu magacaabay guddi baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeya dhacdadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, taariikhdu markii ay ahayd 22/04/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga.

Xubnaha guddiga ah ee loo magacaabay baaritaanka shaqaaqadaas ayaa kala ah:

1- Axmed Macalin Xasan Guddoomiye
2- Cabdi Aadan Xuseen Xubin
3- Cabdinaasir Xaashi Jimcaalle Xubin
4- G/Dhexe Ciise Maxamed Ciise Xubin
5- Dhamme Maxamed Cali Maxamed Xubin.

“Haddaba xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa in ay si dhaqsi leh u howlgalaan, isla markaana natiijada batista oo tafntiran ku soo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga.

Gacan ka hadalkii ka dhacay Garoonka Aadan Cadde oo u dhaxeeyey shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ayaa la sheegay inuu ka dhashay dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo shaqaalaha garoonka  ay u diideen inay gudaha dalka usoo galaan, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda.