Madaxweyne Joe Biden oo ‘xasuuq’ ku sheegay dilal ay gaysteen Cusmaaniyiinta

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii maanta xasuuq u aqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii dagaalkii koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay dalka Armenia.

Aqoonsiga Madaxweyne Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, waxuuna ku soo beegmay maalinta xusuusta xasuuqii Armenia, taas oo laga xuso dalka Armenia, sidoo kale qurba joogta reer Armenia xusa.

“Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku halaagmay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.”

Intii uu waday ololihiisii madaxweynenimo sanadkii hore, Biden ayaa sheegay in uu “taageeri doono qaraar aqoonsanaya xasuuqa Armenia, wuxuuna mudnaanta koowaad siin doonaa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.”

Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo kala socday labada xisbi ayaa warqad ay Arbacadii qoreen waxa ay Biden ku booriyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee dilalkaasi u aqoonsada xasuuq.

“Aamusnaanta ceebta ah ee Dowladda Mareykanka ee xaqiiqda taariikhiga ah ee xasuuqii Armenia ayaa socotay muddo aad u dheer, waana in ay dhammaataa,” ayay xildhibaannadu ku qoreen warqadda. “Waxaan kugu boorrineynaa in aad raacdo fulinta wixii aad ballan qaadday oo aad runta ka hadasho.”

Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in aqqoonsiga Biden uu dhaawici doono xiriirka ka dhaxeeya xulafada NATO. Cavusoglu ayaa Sabtidii ku sheegay qoraal uu soo saaray in aqqoonsiga Biden “uu qalloocinayo xaqiiqooyinka taariikheed, taas oo aysan dadka Turkigu waligood aqbali doonin, wuxuuna furi doonaa nabar qotodheer oo wiiqaya is aaminaadeenna iyo saaxiibtinimadeenna.”

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha Mareykanka in uu saxo qaladkan weyn, oo aan laheyn wax ujeeddo ah marka laga reebo qancinta kooxo siyaasadeed, iyo in uu taageero dadaallada ujeedkoodu yahay in la abuuro dhaqan ay si nabad ah gobolka loogu wada noolaado, gaar ahaan qowmiyadaha Turkida iyo Armenia, intii uu u adeegi lahaa ajandaha kooxahaas isku dayaya in ay cadaawad ka abuuraan taariikhda,”ayuu Cavusoglu ku daray.

Taariikhyahannada ayaa sheega in dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo reer Armenia ah ay ku dhinteen gacanta Boqortooyadii Cusmaaniyiinta intii u dhaxeysay 1915 iyo 1923-kii.

Turkiga ayaa meesha ka saara inuu jiray xasuuq iyo qorshe kasto oo si ula kac ah loogu ciribtirayo Armenia. Waxa ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaashu ay ku dhinteen dagaalka ama ay dileen Ruushku. Turkiga ayaa sidoo kale sheegaya in tirada dadka reer Armenia ee la dilay ay aad uga yar tahay tirada inta badan la isla wada oggol yahay ee gaareysa 1.5 milyan.