Guddoomiyihii LEEGO iyo askar oo weerar lagu dilay

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa caawa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen.

Koox hubeysan ayaa Bambaanooyin ku weerartay hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn, waxaana halkaas ku geeriyooday isaga iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida guddoomiye Gucdur, waxaana magaalada ka bilaawday howlgallo lagu baacsanayo kooxdii fulisay weerarkaas.

Illaa hadda ma jirto cid la shaaciyey in loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.

2-dii bishii Agoosto 2020 weerar noocaan oo kale ahaa oo goor habeen ah ka dhacay degmada Wanllaweyn ayaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda degmadaas Maxamed Cabdullahi Koosto, kadib markii lagu weeraray gurigiisa, iyadoo weerarkaas dhaawacyo lagu gaarsiiyey xubno ka mid ahaa qoyskiisa.