Mid ka mid ah nabadoonada beelaha Muqdisho oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax yar un ka hor salaadii maqrib ee galabta waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Nabadoon caan ahaa oo ka mid ah ergadii afar sano ka hor soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday ee 10-aad.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa Nabadoonka ku dishay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxuuna kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo Nabadonka lagu dilay.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle, balse kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dheer ugaarsi ku heysay odayaasha iyo ergadii soo dhisay baarlamaankan 10-aad ee Soomaaliya.