Dagaal ka socda Cabdicasiis iyo warar sheegaya in la weeraray musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoog leh ayaa ka socda qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in hubka culus la isku adeegsanayo, waxaana dagaalka uu u dhaxeeya ciidamada ilaalada musharaxiinta iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Rasaasta dagaalka ayaa laga maqlayaa meelo fog-fog, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in dagaalku uu yahay mid culus.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo galeen ciidamo badan oo ka tirsan militariga oo kasoo horjeedo muddo kororsiga Farmaajo.

Faah-faahin naga filo goor dhow, Insha Allah.