CIIDAMO militari ah oo la wareegay qeybo ka mid ah magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka taagan tahay waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka , gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamo milatari ah oo ka gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoyska Fagax, iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay kasoo baxeen furumaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah ay wataan ciidamadan oo isku fidiyey xaafadaha ku dhow isgoyska Fagax.

Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay ku dhowaan 10 baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano.