25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Daawo: Taliye SHUB oo ciidankii ugu dambeeyey ee Asluubta u diray dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaan Ciidamada Qaranka faray inay aadaan furimaha dagaalka oo Khawaarijta ay wajahaan ayaa maanta Muqdisho ka diray boqolaal askari.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa galabta ciidankaan ka sagootiyey Muqdisho, waxayna u jiheysteen furimaha dagaalka.

Ciidanka Asluubta waxay ka shaqeeyaan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista iyo shaqooyin kale oo fudud, balse hadda waxaa loo diray furimaha dagaalka, taas oo ka dhigan in dowladdu ay ciidankeeda isugu geysay furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa ciidamada intii aysan ka bixin Muqdisho kula dardaarmay inay si dhab ah uga qeyb galaan dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidankaan ayaa loo diray Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay culeys badan soo saareen, iyadoo Awdheegle ay weli ku jirto gacanta cadowga.

Tobanaan gaadiidka waaweyn ah ayaa galabta ciidankaan ka qaaday Muqdisho, waxayna ku baxeen wadada Afgooye, berri ilaa caawa waxaa suurtagal ah inay wajahaan Al-Shabaab oo ka buuxa Shabeellaha Hoose.

Dagaalkii shalay ka bilowday Awdheegle ayaa weli si teel-teel ah uga socda xaafadaha degmada Awdheegle, halkaas oo Al-Shabaab ay diideen inay ka baxaan, iyagoo ka baqaya in la duqeeyo, haddii banaanka ay uga baxaan magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo iyo diyaarado dagaal u dirtay Shabeellaha Hoose, kuwaas oo xalay u gudbay Jilib, kuna duqeeyey madaxdii Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in dhimasho iyo dhaawac badan uu gaaray, inkastoo weli ay socoto qiimeynta iyo isku dubba-ridka xogaha sirdoonka.

Dowladda ayaa diiday in Shabaab lagu dhex duqeeyo degmada Awdheegle oo ah magaalo dhisan oo bulsho badan ay ku nooshahay, si looga baaqsado khasaaraha shacabka.

Hoos ka daawo Taliye Shub oo ciidanka sagootinaya.

- Advertisement -

Read more

Local News