Daawo: Taliye SHUB oo xilka la wareegay iyo ballan-qaadkiisi ugu horreeyay oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa shalay si rasmi ah dib ula wareegay xilkaasi, kadib munaasabad ka dhacday Hoolka Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay ku-simihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Cabdikariin Cali Afrax iyo taliyaha cusub ee dhawaan lasoo magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo ugu horeyntii uu halkaasi hadal ka jeediyay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macalin ayaa waxa uu bogaadiyay ku-simihii taliyaha ciidanka Asluubta General Cabdikariin Afrax sida howsha uu uwaday intuu uu joogay taliska, isaga oo tilmaamay in taliyaha cusub uu yahay nin shaqadaan yaqaana horena usoo qabtay.

“Magacaabista Taliye Mahad waxay ku tusineysa sida ay madaxweynaha iyo xukuumadda dhamaan uga go’an tahay in shaqada dowladnimada ay socoto oo aysan ka go’in, oo aan qof cusub oo shaqo barad ah la idin keenin, waa taliye gaamuray oo shaqadiisa yaqaan ayaa la idinku soo ceshay runtii waxay ahayd hiilo ciidanka Asluubta aan u hiilinay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo isagu dib ula wareegay xilka taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta iyo tayeynta ciidanka Asluubta Soomaaliya.

“Iskuma cusbin ee waa isku soo noqonay, warka waa noo dambeyn doona. Taliye xigeenka shaqada sii waday waa mahadsan yahay. Waxaan ogahay in aad ciidan fiican tihiin, marwalba waa sheegaayay in ciidanka kuwa ugu fiican inaad tihiin,” ayuu yiri.

6-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhibanada BFS in uu markale noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka.

Dib u magacaabistan ayaa ka dhigan in Taliye Mahad oo loo yaqaano Shub uu waayey xubnimadiisii Baarlamaanka, isaga oo dib loo soo buuxin doono kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha.

Hoos ka daawo