Sawirro: Guuleed oo arrimaha Somaliland kala shiray Geelle

Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta madaxtooyada dalkaas ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo bilaabo wadahadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha Jabuuti la wadaagay warbixin ku saabsan howsha culus ee hortaalla, wuxuuna madaxweyne Ismaaciil taageeray qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso ka mira-dhalinta wadahadaladaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa intii uu socday kulankaas wuxuu Cabdikariin Guuleed u muujiyay sida ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u doonayaan in nabad iyo xasilooni ay ku wada noolaato umadda Soomaaliyeed.

Kulanka uu Cabdikariin Guuleed madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qeyb ka ah kulamo badan oo Ergeygu uu qorsheynayo inuu la yeesho madaxda dalalka Geeska Afrika.

Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada.