Mas’uul Somaliland ka tirsan oo la goostay gaari dhawaan la siiyay, kuna biiray SSC

Hargeysa (Caasimada Online) – Maayir ku-xigeenkii degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa ku biiray xooggaga SSC, isaga oo ka goostay Somaliland oo isku hayaan xooggagaasi gacan ku haynta magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka.

Cabdinaasir Cabdiqadir ayaa waxa la sheegay inuu la goostay baabuur cusub oo qabaala oo ay dhawaan siisay xukuumadda Somaliland, oo ku metelayay gobolka Sool, oo ay isku hayaan xooggaga SSC.

Ninkan ayaa dhowr jeer kasoo muuqday warbaahinta dowladda Somaliland, isaga oo sheegi jiray inuu aad uga soo horjeedo SSC, uuna taageersan yahay xukuumadda iyo militariga Somaliland ee la dagaalamaya xooggaga SSC.

Cabdinaasir ayaa xilligaasi kasoo muuqday jiida hore ee ciidamada Somaliland kaga sugan yihiin gobolka Sool, isaga oo xidhnaa labiska ciidanka, hase yeeshe waxa uu hadda ku biiray xooggaga ay is-hayaan Somaliland.

Somaliland ayaa waxaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood ka goostay masuuliyiin dhowr ah oo iskugu jiro madax ururo, siyaasiyiin, masuuliyiin xukuumadeed iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo u galay dhinaca kale ee SSC.

Saraakiisha ka goosatay Somaliland ee ku biiray SSC ayaa waxaa ugu dambeeyay Taliyihii guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn.

Maxamed Deeq Muxumed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in is-casilaadiisa ay timid kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada uu ka tirsanaa ee Somaliland ay u geysteen bulshada gobollada uu kasoo jeedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu difaacayo shacabkiisa, taasi oo ka dhigan in Taliyihii hore ee guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland iyo kuwa kale ee ku biiray ay hadda kadib ka barbar dagaalami doono xooggaga SSC oo Somaliland isku hayaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Isimida SSC iyo xooggaga taabacsan ayaa dhowr jeer ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay dhibaatooyin horleh ka geysteen deegaanada SSC, hase yeeshe waxaa eedahaasi iska fogeysay xukuumadda Somaliland, oo iyadu ku andacoota in markasta ciidamadeeda weerar lagu yahay.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda in ka badan laba bil, illaa haddana majirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah, ayada oo ay burbureen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la rabay in miiska wada-hadalka la iskugu keeno xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC, waxayna weli labada ciidan isku horfadhiyaan duleedka magaalada.