Faransiiska oo dalalka reer Yurub usoo jeediyay dalab ka dhan ah Mareykanka

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Axaddii in Midawga Yurub aanu xiisaynayn inuu dab ku sii shido xiisadda Taiwan, ayna tahay inay qaataan Istaraatejiyad cusub oo ka madaxbanaan Washington iyo Beijing labadaba.

Macron ayaa ka soo laabtay safar saddex maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Shiinaha, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Shiinaha ayaa Sabtidii ka bilaabay Taiwan, dhoolatus milateri, isaga oo ka cadhaysan safarkii ay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ku tagtay dalka Maraykanka, isla markaana ay kula kulantay afhayeenka aqalka wakiillada Kevin McCarthy.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka inay tahay dhul isaga ka mid ah, isaga oo aan weligiis ka tanaasulin in doorashooyinka uu dib ugu soo celinayo inay ku jirto inuu awood u isticmaalo. Hase ahaatee Taiwan ayaa arrintaas si weyn uga soo horjeeda.

Macron ayaa isagu sheegay in Yurub aanay soo dedejin colaadda halkaas ka jirta, balse ay wakhti ku bixiso sidii ay u diyaarin lahayd mawqifkeeda oo ka madax banaan aragtiyaha Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan Taiwan.

Warkan ayaa lagu daabacay wargeyska Faransiiska ee Les Echos iyo Politico.

Macron ayaa saxaafaddu ka soo xigatay inuu sheegay in Yurub ay u baahan tahay inay lacago badan geliso hannaankeeda difaaca, horumariso hubkeeda Nukliyeerka iyo weliba tamarta la cusboonaysiiyo, sidoo kalena hoos loo dhigo ku tiirsanaanta dollarka Maraykanka, si loo yareeyo isku hallayntooda Maraykanka.

Macron waxaa safarkiisa Shiinaha ku wehelinayey illaa 50 shirkadood oo ganacsi oo ay ku jiraan shirkadda diyaaradaha samaysa ee Airbus iyo shirkadda soo saarta tamarta Nukliyeerka ee EDF, kuwaas oo heshiisyo soo saxeexay intii safarka lagu gudajiray.

VOA + Reuters