Sawirro: Booliska Xamar oo qabtay nin muuqaal lagu duubay isagoo waxa dhacaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taalla degmadaas.

Ninka la soo qabtay ayaa lagu tuhmayaa inuu ka mid ahaa rag maalmihii lasoo dhaafay aad loogu baahiyey baraha bulshada iyagoo dhac u geysanaya Carwo ganacsi oo ku taalla agagaarka sarta Seybiyaano.

Booliska ayaa shaaciyey in ninkaan lasoo qabtay iyo raggii la socday ay dukaankaas ka dhaceen 3 taleefoon oo noocyadoodu ay kala ahaayeen A32, A13 iyo A33 SAMSUNG.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanaha gacanta booliska ku jira cadaaladda uu wajahi doono, waxaana lagu raadjoogaa raggii kale ee dhaca la geystay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa baahiyey sawirka ninka la soo qabtay oo sita qori AK47 ah iyo sawir laga soo jaray muuqaalkii ay ka duubtay kaamirada qarsoon eek u xireyd dukaanka ay dhacayeen, kaas oo muujinaya in ninkaan uu ahaa dablihii koowaad ee gudaha u galay dukaanka ee dhaca bilaabay.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dhaca tuugada hubeysan ay u geysanayaan dadka shacabka ah, sida ganacsatada, ardayda iyo qof kasta oo ay u arkaan in uusan la heyn awood uu isaga difaaco.

Inta badan dhacaan waxaa geysta ciidamo ka tirsan dowladda, dhowr mar ayaana sidaan oo kale loo soo qabtay askar ay kaamiraduhu duubeen iyagoo dukaamo ganacsi dhacaya.

Maalmahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka ayaa isku howlaya inay sugaan amniga caasimadda Muqdisho, balse waxaa muuqata in ciidan ka tiran dowladda ay dhac ka geysanayaan gudaha caasimadda, taas oo fadeexad weyn ku ah ciidanka.