Daawo: Uhuru Kenyatta oo Abiy Ahmed ku bah-dilay caleemo-saarkii XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ahaa madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fool xun u bah-dilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Uhuru Kenyatta ayaa markii uu soo galay hoolka, islamarkaana ay u istaageen madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu gacan qaaday kaliya Geelle iyo Xasan.

Madaxweynaha Kenya ayaa iska indho tiray salaanta uu usoo taagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sidoo kale waxaa salaan-qaadka Uhuru ka muquurtay Farmaajo oo kamaradaha ay qabteen isaga oo fadhiga isku celinaya kadib markii uu Uhuru is-dhaafiyay salaanta Abiy.

Intii uu tallada dalka joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadow ka dhigtay Kenya, asaga oo dhinaca saaray Abiy Axmed oo xiliga ahaa walaalka koowaad ee dowladii Farmaajo.

Dhinaca kale, Uhuru oo khudbad ka jeediyay munaasibada caleemo-saarka madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta khudbadiisa uu ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.