Xiisada Somaliland oo meel sare gaartay iyo masuul ‘ka bad-baaday isku-day dil’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsaneyd, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi.

Dibad-baxa oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, islamarkaana ay ka qeyb-galayeen dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah ayaa waxay ciidamada ku fureen rasaas aan loo meel-dayin.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo kamid ah mucaaradka.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Ciro iyo mas’uuliyiin sare oo la socday ayaa ka bad-baaday isku-day dil kadib markii ay ciidamada isku dayeen inay jiidhsiiyan gawaadhi gaashaaman oo ay wateen.

Waxaa isku-daygaas dil fashiliyay ciidamo ilaalo ah oo la socday guddoomiyaha, kuwaasi oo rasaas ku furay gawaadhida gaashaaman ee wateen ciidamada Booliska, oo sida la rumeysan yahay amar ka haystay saraakiisha sare.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryay dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi, oo muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay.

Xiisada Somaliland ayaa kasii dareysa ayada oo ciidamada Somaliland ay sidoo kale xir-xireen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibad-baxa ka qayb-galay, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland.