Daawo video: Faarax Macalin oo weerar afka ah ku qaaday CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Macalin oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee kasoo jeeda Kenya ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay shaqsiyaadka mucaaradka ku ah DFS ku duminayaan Qaranka Somalia.

Faarax Macalin waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in shaqsiyaad raja ka qaba inay maamulaan Somalia, ay hadana ku faanaan inay yihiin waxa uu ugu yeeray Jawaasiis shisheeye ay dhaqaale ku qaatan duminta dalkooda.

Faarax waxa uu sheegay inaanu jirin sharci dhigaaya ‘’Xasaanad furan’’ balse diblumaasiga iyo Siyaasiga madaxabanaan ay leeyihiin xasaanad cayiman.

Faarax waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Somalia ay kusii noolaadan shaqsiyaad ku faanaya inay yihiin Jawaasiis shisheeye oo dhibaateynaaya Qaranimada Somalia, waxa uuna carab dhabay inay mudan tahay in sharciga lala tiigsado C/raxmaan C/shakuur iyo kuwa lamidka ah isla markaana lagu qaado waxa uga soo baxo sharciga.

Faarax ayaa yiri ‘’Ninka qaaday mas’uuliyada ee ku dhaartay kitaabka alle inoo qaado talaabo lamid ah tii lagu weeraray CC Shakuur waxba kama qabo waana arrin muhiim ah oo loo baahan yahay’’

Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka ku faana inay u shaqeeyan shisheeyaha uu kamid yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke, oo la ogyahay inuu la shaqeeyo Imaaraadka iyo dowlado kale, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo hadalqaaday Askarta ilaalada u aheyd CC Shakuur ee la dilay iyagoo gudanaaya waajibaadkooda, waxa uuna DFS ugu baaqay inay qaadato khaladkeeda maadaama Askartaasi aysan aheyn kuwo ku jiray kiiska.

DFS ayuu sheegay inay ku dhiirato inay raali galin ka bixiso dilka Askarta si aysan u niyad jabin Askarta kale.